Xukuumada oo faah faahin ka bixisay muhiimada Sharciga Isgaarsiinta oo dhawaan madaxweynuhu ansixiyay

Muqdisho (estvlive) 04/10/2017

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ansixiyay sharciga Isgaarsiinta oo ay soo diyaarisay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur ayaa faah faahino dheeraad ah ka bixiyay Sharciga Isgaarsiintan iyo muhiimada uu leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka islamarkaana wax badan uu ka saacidayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusan in ay lagama maarmaan tahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan sharci Isgaarsiin oo u soo dhiciya xuquuqda ay ku leeyihiin shirkadaha gaarka ee ka shaqeeya isgaarsiinta.

Wasiir Canshuur ayaa tilmaamay in sharcigan uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale soo celintii hantidii Isgaarsiinta Qaranka.

“Sharcigan waa sharci muhiim u ah dalka, marka laga fiiriyo xag amni, xag dhaqaale iyo xag bulshaba waa u muhiim, caalamka waxaan aheyn dalka keliya oo aan laheyn sharci isgaarsiin, shalay waxaan dib ugu soo laabanay caalamka casriga ah.” ayuu yiri wasiir Canshuur.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hasse ahaatee baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigaan.

Comments are closed