Shirka golaha wasiirada oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen madaxweeyne ku xigeennada Jubaland ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo ka warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka uu dhawaan ku dhawaaqay in lagu qaban doono Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono Kismaayo uu yahay mid la doonayo in la isugu soo dhaweeyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, laguna xalliyo waxyaalaha ay kala tabanayaan, isagoo yiri; “Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya, waxaan go’aan sannay intii ajnabi uu dhexdeenna soo gali lahaa in innagu, Soomaali ahaan aan arimaheenna xallisanno oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno.”
Waxa uu xusay in ujeedka gogosha ay u dhigeen ay tahay in lagu xalliyo arimaha gudaha ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana aysan dhicin in mar danbe la is qab-qabsado oo la iska daba hadlo.
Shirka ayaa la filayaa in uu magaalada Kismaayo ka furmo maalinta Axadda ee nagu soo fool leh, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubaland.
Comments are closed