IRAQ: Ciidamada dowlada oo Daacish ka saaray magaalda Hawija

Ciraaq (estvlive) 05/10/2017

Ciidamada dowlada Ciraaq oo ay gacan siinayaan ciidamada Isbaheysiga Maraykanka ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay maleeshiyaadka Daacish ka saareen magaalada Hawija.

Hawlgalka lagu xoreenayo magaalada Hawija ayaa bilowday bishii lasoo dhaafay, magaaladaasi ayaa 230 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan caasimada Baqdaad.

Magaaladan ayaa kamid ahayd magaalooyinkii ay Daacish qabsatay sanadkii 2014, deegaankaasi oo u dhaw xaduuda dalka Siiriya ayaa kamid ah goobaha ugu danbeeya oo ay Daacish saldhigyada ku lahayd waqooyiga Ciraaq.

Jeneraal Abdel Amir Yarallah oo u hadlay ciidamada Ciraaq ayaa sheegay in maanta ay ciidankooda gaareen gudaha magaaladaasi isla markaana ay sii wadaan hawlgalka dhulkaasi looga sifeenayo xagjiriinta Daacish.

Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan sheegtay in dad gaaraya 12,500 ka baro kaceen magaaladaasi tan iyo markuu hawlgalka bilowday.

Comments are closed