Markab Dagaal Oo Booqday Xeebta Qandala

Qandala (estvlive) 05/10/2017

Dhawaan xeebta degmadd Qandala ee gobolka bari waxaa booqday Markabka Dagaalka ESPS Rayo oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee midowga yurub ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil ka socotay ciidamadda Badda Puntland ee PMPF iyo maamulka degmadda Qandala ayaa lagu soo dhaweeyay markabka dushiisa, waxayna la kulmeen saraakiisha ciidamadda badda midowga yurub si loo hormariyo xiriirka iskaashi iyo iska-warqabka ciidamada midowga yurub iyo dadka degaanka

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitterka ee Ciidamada Badda midowga yurub ayaa Kabtan Rafael Gallego Naranjo wuxuu kala hadlay saraakiisha ciidamadda Badda Puntland, howsha markabka dagaalka Spain ee ESPS Rayo, waxaana uu sheegay in xeebaha Soomaaliya tan iyodhamaadkii bishii july ay ka qabteen howgalo lagu sugayo amniga badda gacanka cadmeed iyo badweyne Hindiya , ayna ka hortageen falalka burcad-badeeda ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan

Wuxuu sheegay in kullanka uu ahaa mid kor qaadayaa is-aaminada iyo is-fahamka howlgalka midowga yurub ee badda Soomaaliya iyo dadka Degaanka, xoojinayan nabadgelyada degaanka, islamarkaana dhiirigalinaya in laga hortago falalka burcad-badeeda ee xeebaha Soomaaliya

Markabka Dagaalka ee ESPS Rayo oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee dalka Spain, wuxuu ka mid yahay ciidamada badda ee Midowga yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, kuwasoo shaqadoodu tahay inay ka ilaaliyaan maraakiibta gargaarka iyo markaakiibta kale weerara Burcad-badeeda Soomaaliya.

Degmadda Qandal ee gobolka bari, waxaa ku yaal saldhig weyn oo ciidamadda badda Puntland ay sanadkii hore halkaasi ka samaysteen si ay ula dagaalamaanka Kooxda Daacish (ISIS) oo muddo kooban magaaladaasi gacanta ku dhigtay ka hor intii aan ciidamada Puntland xoog uga saarin.

Comments are closed