Niger: Weerar lagu dilay Askar Maraykan ah

Mali (estvlive) 05/10/2017

Ugu yaraan sadex kamid ah askarta ciidamada Komandooska Maraykanka ayaa lagu dilay xaduuda u dhaxeysa dalalka Niger iyo Mali.

Ciidamadan Maraykanka ayaa tababar siiya ciidamada militariga dalka Niger, kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Tillaberi ee galbeedka wadankaasi Niger.

Deegaankaasi Tillaberi ayaa xaduud laleh dalka Mali oo ay ku sugan yihiin kooxo hoostaga Al Aqacida iyo Xagjiriin kale, waxaana la rumeysan yahay in weerarkan ay ka danbeeyeen maleeshiyaad aad u hubeysan oo kasoo tilaabay dhinaca wadanka Mali.

Waa markii ugu horeysay oo askar looga dilo Maraykanka dalka Niger oo ay muddooyinkii danbe gacan kasiinayeen tababarada ciidamada.

Dalalka jaarka la ah Mali ayaa sanadihii lasoo dhaafay waday hawlgalo militari oo ay doonayaan inay ku burburiyaan xoogaga ka dagaalamaya wadanka Mali.

Comments are closed