“Waxaa naloo sheegay in markii hore dad la daris ah qoyskan maqleen rasaas, kadibna dab la qabadsiiyay guriga ” ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Thembeka Mbhele.
Sideeda ruux ee la dilay ayaa todobo ka mid ah la sheegay in ay ku dhinteen isla goobta, halka Ilmo yarna uu markii danbe ku dhintay Isbitaalka.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dalkan ka danbeysa, hasse ahaatee booliiska ayaa sheegay in uu socdo baaritaan arrintan la xiriira.
Comments are closed