Sideed Dumar ah oo qoys kaliya ka soo wada jeeda oo lagu dilay dalka Koofur Afri

S/africa (estvlive) 05/10/2017

Sideed dumar ah oo ka soo wada jeeda hal qoys ayaa lagu toogtay gurigooda oo ku yaala dalka Koonfur Africa sida ay sheegeen booliiska, iyadoo dhinaca kalana kooxda weerarka geystay dab qabsiiyeen guriga.

Lix ka mid ah dadka la dilay ayeey da’doodu u dhaxeysay Sadex sano ilaa 18 sano jir, halka labada ruux kale ee soo hartay ahaayeen Dumar da’ahaan ka weyn Lixda kale.

Dilalka ayaa dhacay habeenkii Talaadada ee tuulada Embangweni Waqooyi galbeed ee dekadda magaalada Durban, ee gobolka Bari ee KwaZulu-Natal.

“Waxaa naloo sheegay in markii hore dad la daris ah qoyskan maqleen rasaas, kadibna  dab la qabadsiiyay guriga ” ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Thembeka Mbhele.

Sideeda ruux ee la dilay ayaa todobo ka mid ah la sheegay in ay ku dhinteen isla goobta, halka Ilmo yarna uu markii danbe ku dhintay Isbitaalka.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dalkan ka danbeysa, hasse ahaatee booliiska ayaa sheegay in uu socdo baaritaan arrintan la xiriira.

Comments are closed