Turkey: Maxkamada oo xukuntay Askartii qorsheysay dilka Erdogan

Turkiga (estvlive) 05/10/2017

Maxkamada dalka Turkiga ayaa Arbacadii shalay xukun ku diray 34 askari oo lagu eedeeyey inay qorsheenayeen inay dilaan Madaxweyne Erdogan xiligii uu socday Inqilaabkii militari ee fashilay sanadkii lasoo dhaafay.

Dhamaan askartan ayaa lagu riday xukun daa’in, waxaana saraakiisha la xukumay kamid ahaa Jeneraal Gokhan Sahin Sonmezates.

Maxkamadeynta askartan ayaa bilaabatay bishii Feberaayo ee bilowgii sanadkan magaalada Mugla ee koonfurta dalkaasi Turkiga. Waxaana jiray in badan oo kamid ah taageerayaasha Erdogan oo ku baaqayey in kooxdan askarta ah lagu rido xukun dil ah.

Balse dowlada Turkiga ayaa sanadkii 2004 joojisay xukunadii dilka, xili ay bilaabeysay gorgortanka ay dooneysay in dowladaasi ku biirto wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Teyyip Erdogan ayaa sheegay inuu si dirqi ah uga baxsaday qorshahaasi loo maleegay xili uu ku sugnaa Hotel ku yaal magaalada Marmaris oo uu dalxiis u joogay isaga iyo qoyskiisa, waxaana xiligaasi loola cararay magaalada Istanbuul.

Inqilaabkii militari ee Fashilay sanadkii lasoo dhaafay ayey ku dhinteen dad gaaraya 249 qof, waxayna xukuumada Turkiga horey u sheegtay inaysan ka daali doonin inay maxkamad iyo sharciga horkeento dhamaan xubnihii ka qeyb qaatay afgembigaasi.

Comments are closed