Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo loo magacaabay Faadumo Cusmaan Faarax

Muqdisho (estvlive) 05/10/2017

Marwo Faadumo Cusmaan Faarax ayaa loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka kadib kulankii Khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya yeesheen.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jeedisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah Soomaaliya sida uu qabo sharciga.

Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

Comments are closed