Xukuumada DDSI Oo Deeq Isugu jirta raashin,dawooyin iyo agab gaadhsiiyay bulshadii ka soo barakacday deegaanka oromiya Qoloji,

Qolaji (estvlive) 05/10/2017

Xukuumada DDSI ayaa deeq raashinka noocyadiisa kala duwan, dawooyin iyo agabka maacuunta gaadhsiisay bulshadii soomalia ahayd ee ka soo barakacday deegaanka oromiya kuwaasi oo ay xukuuamda DDSI dib u dajin ugu samaysay tuulada qoloji.

Deeqdaasi ay xukuumada DDSI gaadhsiisay shacabka soo barakacay ayaa waxaa u qaybiyay oo ku wareejiyay shacabka masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane deeq cabdilaahi buraale, wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan iyo wasiirka waxbarashada DDSI mudane ibraahin aadan mahad.

Waxayna warbaahinta deegaanku u kuurgashay hab-nololeedka bulshada soo barakacday ee deeqdan la gaadhsiiyay waxayna waraysiyo la yeelatay qaarka mid ah bulshada soo barakacday kuwaasi oo si mug leh ugu mahad celiyay xukuumada DDSI ee taamyeeshay noloshoodii hadii ay tahay hoy,cunta huga iyo dhamaanba baahiyaha noloshooda, waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen dhibaatooyinkii ka soo gaadhay gudaha deegaanka oromada oo ay qaarkood sheegeen in dadkoodii lagu horgayracay iyagana ay dhaawacyo soo gaadheen.

Shacabkan ayaa sidoo kale sheegay in muddo badan dhexdeganaayeen oromada oo aanay maraba islahayn dhibaato ayaa idiinka iman maadaamo oo ay dalkoodii itoobiya dhexdagan yihiin. Ugu dambayntiina waxay aad iyo aad ugu mahad naqeen xukuumada DDSI sida meeqaamka sare ee ay markasta ugarabtaagan yahay uguna fidinayso deeqaha aan kala oga-lahayn

Comments are closed