Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray warshada lagu daabaco lacagta ee dalka Sudan

Sudaan (stvlive) 06/10/2017

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa kormeer ku tagay warshadda lacagta sameysa ee dalka Sudan, iyadoo dowladda Soomaaliya qorsheyneyso inay lacag cusub soo daabacato.

Madaxweynaha booqashadiisa waxaa ku wehlinayay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo qeyb ka ah wafdigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeyb qeyb u kormeeray warshada lacagta, gaar ahaan keyd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya.

Howsha daabicida lacagtan ayaa soo bilaabatay sanadkii 2011, xilligaasoo ay jirtay dowladdii KMG aheyd, waxaana dhowr jeer hakad ku yimid qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ku daabacato lacag cusub.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada Sudan.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqasho labo cisho ku joogay Khartoum ayaa maanta soo gaba gabeynaya, iyagoo dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho.

Comments are closed