Jaaliyadda DDSI ee Dalka Sweden ayaa Xaleyto Xaflad lagu taakuleynayo shacabkii Dawlad deegaanka Somalia Itoobiya ee laga soo barakiciyay Deegaanka Oromada ayaa Xaflada lagu qabtay Magaalada Stockholm Caasimada Dalka Sweden.
Waxaa ka soo Qeybgalay Kulankaasi Safiirada Dawlada Dimoqraatiga Federaaalka Itoobiya ee wadamada Scandanivianka H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Sweden Dr. Hussein Ahmed Omer iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Xayi Maxamuud iyo Marti sharaf kala duwan.
Waxaa halkasi la guda galay Lacag bixinta lagu taakuleynayo dadkii ka soo barakacay deegaanka Oromada Shaaqsiyaad jaaliyadda DDSi ee Sweden ayaa ku yaboohay kun kun $1000 doolor Jaaliyadda DDSI ee Swedenayaa waxey kaalin dahab ah ka gashay Baaqa Ka soo baxay XDSHSI ee ku aadanaa in qurbajoogta ay gacan weyn ka geystaan taakuleynta dadka soo barakacay.
Hormuudka jaaliyadaha DDSI waxaa lagu tilaami karaa Maanta in ay tahay jaaliyadda DDSI ee Sweden taasoo oo xaleyto wacdaro ka dhigeen Magaalada Stockholm.
Waxaana halkaasi kahadlay H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Dr Huseen iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Sweden Xayi iyo Marti sharaf kale Gudoomiyaha jaaiyadda DDSI ee Sweden ayaa ugu baaqay dhamaan Masuuliyiita Gobolada Dalka Sweden in ay ka qeybqaataan islamarkaana uu tagi doono Gobolada madama Magaalada Stockholm maanta lagu qabtay
Comments are closed