Jamhadda Turkigu taageero ee ka dagaalanta Siiriya oo duulaan ku ah Idlib

Turkiga (estvlive) 08/10/2017

Madaxweynaha Turkiga Raccep Erdogan ayaa sheegay in hawlgal aad u culus uu ku wajahan yahay gobolka ay maamusho Hay’et Tahrir al-Sham ee horey loo dhihi jirey al-Nusra kana go’day al-Qaacida, Hawlgalkan waxaa taageeraya Turkiga waxaana ka qaybqaadanaya Malayshiyaadka the Free Syrian Army.

Gobolka Idlib waxaa aad ugu xooggan Malayshiyaadka al-Nusra Front la dhihi jirey, kuwaas oo aan qayb ka ahayn wada hadaladii Siiriya ee dalka Kazakhstan.

Hawlgalka Idlib ayaa bilowdey maalintii Sabtida, waxaa ka qayb-qaadanayaciidamada Turkiga oo ku hubeysan dabaabado iyo hubka culus iyo Malayshiyaadka Jamhadda ay taageeraan.

Turkiga iyo Ruushka ayaa isku og hawlgalkan waxaana hadda ka dhexeeya wada shaqeyn.

Qorshaha Turkiga ayaa ah in uu yareeyo awooda Malayshiyaadka Kurdida ee Waqooyiga Siiriya YPG ee ay taageeraan reer Galbeedku si aysan u qabsan dhulka ay degan yihiin carabta Suniyiinta ah.

Comments are closed