Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Kismaayo lagu soo dhaweeyey

Kismaayo (estvlive) 08/10/2017

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimada Axadda gaarey xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubland Kismaayo, wefdiga ayaa ka soo kicitimey magaalada Cadaado oo ay weli ka taagan tahay xiisaddii siyaasadeed ee u dhexeysey Xaaf iyo ku-xigeenkiisa iyo afhayeenka Baarlamaanka Galmudug.

Wefdiga Xaaf waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Shirka Kismaayo ee lagu wadey in uu furmo maanta oo Axad ah ayaa wararku sheegayaan in uu furmanayo maalinta Isniinta ah ee berri.

Axmed Ducaale Geele oo xiisad siyaasadeed uga furantahay Galmudug ayaa shirkaani u yahay fursad muhim ah oo cadaadis lagu saari karo Dowladda federaalka ee taageertey xilkaqaadis la sheegay in ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug, taas oo noqotey mid dhaqan geli weydey.

Isla maanta waxaa gaarey Kismaayo Madaxweynaha dhawaan isagana la doortey ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana la sugayaa wefdigii Puntland

Comments are closed