Rajoy oo ku hanjabey in ay ka noqonayaan awood ismaamulka gobolka Katalooniya

Spain (estvlive) 08/10/2017

Raysalwasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa ku hanjabey in ay tirtiriayaan oo ka noqonayaan awoodda ismaamulka uu haysto hadda gobolka Karalooniya, mar uu waraysi siinaayey wargeyska El Pais.

Sida uu qorayo dastuurka Spian qodobkiisa 155 Dowladda dhexe ayaa wax ka beddeli karta awooda ismaamul ee gobolka Katalooniya.

– Anigu waxba kama beddalayo waxa uu dhigayo dastuurku ayuu yiri Rajoy.

Raysalwasaaraha Spain ayaa hoggaanka gobolka Katalooniya ee raadinaya in ay ka go’an Spain e sheegay in uu jiro wakhti ay tallaabo dib ugu qaadi karaan, ka hor inta aan Madrid bixin jawaab adag.

Raysalwasaare Rajoy ayaa sheegay in aan dib loo celineyn kumaankun Boolis ah oo la geeyey gobolkaas si ay uga hortagaan codbixin Madrid ku tilmaanety mid aan sharci ahayn ee dhacdey todobaadkii hore.

Gobolka Katalooniya ayaa dadkiisu kala qaybsan yahay, aftidii loo qaadey Madaxbanaanida kama aysan qaybgelin inta badan dadka ku dhaqan gobolkaas ee sharciga u leh in ay codeeyaan waxaana ka qaybqaatey keliya 41%.

Comments are closed