Mas’uul ka tirsan wasaarada gadiidka iyo duulista hawada oo lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 09/10/2017

Koox hubeysan ayaa subaxnimdii hore ee saakay waxaa ay weerar ku qaadeen gaari uu watay mas’uul sida la sheegay ka tirsanaa wasaarada gadiidka iyo duulista hawada oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cumar.

Weerarka lagu qaaday sarkaalkan ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud sida ay warbaahinta u sheegeen goob joogayaal.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan sarkaalka la weeraray in uu yahay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Kooxdan hubeysan ayaa weerar ku qaaday mas’uulkan xili uu gaariga shidaal uga shubanayay meel u dhaxeysa degmooyinka wada jir iyo Dherkeenley ee magaalada Muqdisho.

Raggii hubaysnaa ee falkaasi ka dambeeyay, ayaa durba meesha ka baxsaday, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano bilaabay.

Comments are closed