Turkiga iyo Mareykanka oo uu soo kala dhaxgalay muran dhinaca socdaalka ah

Mareykanka (estvlive) 09/10/2017

Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka ayuu soo kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

War midkaas aad ugu dhaw ayay mar hore soo saartay safaaradda Maraykanka ee Ankara.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Anadolu.

BBC

Comments are closed