Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isku baheysanayaan dowladda Federaalka, islamarkaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa.
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Puntland ah ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada, waxaana uu tilmaamay in ujeedku aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn la’aan.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, islamarkaana laga shaqeeyo midnimada.
Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay ayaa aad loo adkeeyay.
Comments are closed