Shirka Kismaayo oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo

Kismaayo (estvlive) 10/10/2017

Waxaa maanta la filayaan in magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyo shirka halkaa labadii cisho ee la soo dhaafay uga socday madaxda dowlad gobolleedyada.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana Madaxda ay labadii cisho ee u dambeeyay ay yeesheen doodo aad u adag.

Qodobada shirka looga hadlayay ayaa isugu jiray kuwo qaarkood ay isku waafaqsanaayeen iyo kuwo la isku hayay go’aan ka gaaristooda.

Lama oga ilaa iyo hadda wax yaabaha leysku afgartay kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay oo qaarkood ahaa kuwo Albaabadu u xiran yihiin.

Balse waxaa si gaar isha loogu wada hayaan warmurtiyeedka ka soo bixi doona kulanka madaama la ogyahay in uu jiro khilaaf dhinaca siyaasada ah oo soo kala dhaxgalay qaar ka mid ah maamulada dalka ka dhisan iyo dowladda dhexe.

Shirka Kismaayo ayaa ah kii u horeeyay ee ay yeeshaan Madaxda dowladda goboleedyada oo kaliya, taasoo abuuri karta shaki ka badan inta laga ogyahay shirka hadda u socda madaxda

Comments are closed