Gudidda doorashooyinka oo shaaciyey tiradda rasmiga ah ee codbixiyeyaasha Somaliland

Kismaayo (estvlive) 11/10/2017

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey tiradda rasmiga ah ee iska diwaangalisay inay codbixin karaan, taas oo noqotay wadarta guud ee tiradda codbixiyeyaasha toddoba boqol , afar kun iyo sagaal iyo sdeetan qof (704,089).

Guddida doorashooyinka ayaa shaaciyey dadka iska diwaangaliyey degmooyinka iyo goboladda Somaliland ka kooban tahay, waxaanay kala yihiin lixda gobol ee ugu waaweyn sidan.

  1. Gobolka Awdal waxa iska diwaangaliyey 102,571
  2. Gobolka Maroodi Jeex dadka iska diwaangaliyey waxay noqotay 249,229 oo qof.
  3. Gobolka Saaxil isna waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 60,817 oo qof.
  4. Gobolka Togdheer waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 147,440 oo qof.
  5. Gobolka Sool waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 63,698 oo qof.
  6. Gobolka Sanaag waxa iska diwaangaliyey tiro dhan 80,334 oo qof.

Wadarta Guud ee tiradda codbixiyeyaasha waxay tahay 704,089.

Doorashadda Somaliland ayaa lagu wadda inay dhacdo November 13-keedda,2017 oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 34 cisho.

Comments are closed