Maamulka Gobolka Banaadir oo qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka

Muqdisho (stvlive) 11/10/2017

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka oo ku beegneyd Shalay (09 October 2017)  taasoo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladaas oo uu soo diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: Wasiirka Gaashaandhigga Cabdirashiid, Wasiirka Amniga Islow, Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga General Cirfiid.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey xafladaan uu ku sheegay inay aheyd mid qiimo u leh dadka Miirka la’.

” Waxaan u mahadcelinayaa G/Benadir Thaabit Cabdi oo qabtay barnaamij muhiim ah oo lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka – waxaana hoosta laga wada xariiqay in loo baahanyahay dadka dhimirka qaba in la caawino oo laga daayo faquuqa, ceyda, dilka, iyo daryeel la’aanta ” ayu yiri wasiirka.

Sidoo kale waxaa la xusay doorka warbaahinta ee wacyigeinta bulshada si gar-gaar deg-deg ah loogu fidiyo dadka dhimirka qaba oo istaahila inay xaq la mid ah qof walba helaan” Ayuu yiri mar kale ku yiri Wasiirka Warfaafinta qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook-ga.

Ugu danbayn ,munaasabado caynkan oo kale ah ayaa ka qabsoomay magaalooyin kamid ah kuwa maamul goboleed-yada ,xilli xanuunkan uu dad badan ku dhaco sanad walba.

Comments are closed