Madaxweynayaasha Kismaayo Ku Shiraya Oo Dalxiis Ku Tegey Degaanka Goob-Weyn -Sawiro

Kismaayo (estvlive) 11/10/2017

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka ee Ku shiray magaaladda Kismaayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dalxiis iyo tamashlayn ku tegay Degaanka Goobweyn oo ah halka uu webiga jubba biyaha kaga darro badweyne Hindiya

Madaxweynayaasha dalxiiska tegay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo marti loo yahay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare

Degaanka goobweyn oo qiyaas ahaan ujirta magaalada Kismaayo 13-Km, ayaa ah meel qurxoon oo ku wanaagsan dalxiiska, isla markaana ah meel taarikhiya oo ka midda meelaha dhulka Soomaalida ugu qaalisan uguna quruxda badan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay in goobtani tahay meel aanay jirin wax lagu masaalo amase lala-meel dhigo qurux ahaan, jewi ahaan iyo dalxiis ahaanba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in Soomaaliya tahay dhuldihin, qurux, bilic iyo cimilo wanaagsanle loona baahan yahay in dhulkaasi laga faa’iidaysto, gaar ahaan goobaha dalxiiska sida degaanka Goob-weyn.

Dhica kale Madaxweynaha ayaa sheegay in degaanka Goob-weyn ku caan yahay beero kuwaas oo lagaga faa’iidaysto biyaha webiga Jubba, dhuldaaqsimeed had iyo jeer Alle ku manaystay dhir cagaaran oo ay xooluhu ku nimcaysteen, kalluunka iyo sidoo kale dalxiiska oo ah goob markasta mashquul ah oo ay soo booqanayaan shacab Soomaaliyeed.

Shirka Kismaayo oo maalintii Saddexaad galay ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira natiijadda ka soo baxday shirkaasi, kaasi oo madaxdu ku sheegay in looga hadlayo Wadashaqaynta maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, arrimaha dastuurka, qaybsiga khayraadka dalka iyo deeqaha dibadda uga yimaada iyo arrimo kale.

Comments are closed