Xaflad Lagu Abaalmarinayay Dhalinyaradii Tabarucaadka Waxbarashada bixinayay xiliga fasaxa oo ka dhacday jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 12/10/2017

Xaflad balaadhan oo lagu abaalmarinayay laguna sagootinayay  dhalinyarada DDSI ee waxka barta jaamacadaha dalka ee labadii bilood ee fasaxa bixinayay  waxbarasho tabarucaadka ay  barayay ardayda deegaanka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Sayid MCX.

Waxaana ka soo qaybgalay xafaladan masuuliyiinta xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI, masuuliyin ka socday xafiiska waxbarashada DDSI, masuuliyiinka socday ururka fadareeshinka dhalinyarada iyo dhalinyaradii soo bixinasay waxbarashada tabarucaadka ah.

Waxaana xafladan oo halku dhig looga dhigay”isxil qaanka wadaninimo ee dhalinyaradu waa taabagalinta horumarkeena iyo soo ceshiga isku filnaanshaheena” ayaa waxa  ugu horayntii ka hadlay la taliyaha madaxwaynaha dhinaca warbaahinta ahna wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo ugu horayntii siwayn ugu mahad celiyay dhalinyarada waxka barta jaamacadaha deegaanka ee xiligooda fasaxa bixinayay waxbarasho tabarucaad ah wuxuuna sheegay in dhalinyaradu tahay fal-dhabarta bulshada sidaasi darteedna loo baahan yahay in dhalinyaradu xooga saarta sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarineed wasiirka ayaa ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda dhinaca waxbarashada, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada DDSI xooga taageero siinta dhalinyarada deegaanka.

Dhankiisa mudane  Cabdixakiin Maxamed oo ka socday xafiiska waxbarashad DDSI ayaa siwayn ugu mahad celiyay dadaalka balaadhan ee ay dhalinyaradu waxka barata jaamacadaha dalkeenu muujiyeen mudadii ay ku jireen xiliga fasaxa  isaga oo sheegay in ay kaalin mug leh ka qaateen geedi socodka waxbarashada ardayda deegaanka ee waxka barata dugsiyada waxbarashada deegaanka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladan gudoomiyaha fadareeshinka dhalinyarada DDSI mudane Maxbuub Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalka muga leh ee ay dhalinyarada ugu jiraan taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka wuxuuna sheegay in ay dhalinyaradan maanta lagu sagootinayo xaflada abaalmarinta ah ay muujiyeen dadaal dheeriya wakhtigii ay ku jireen fasaxoodii waxbarasha iyaga oo waxbarasho taya leh gaadhsiiyay ardayda deegaanka ayuu yidhi masuulku.

Ugu damnayntiina waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay  dhalinyarada DDSI ee waxka barata jaamacadaha dalka ee xiligii fasaxa bixinayay tabarucaadka dhinaca waxbarashada iyo xafiisyadii heer deegaan ee ka qayb-qaatay hirgalinta tabarucaadka waxbarashad.

Comments are closed