RW Itoobiya Hailemariam Desalegn Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Wafti Kasocday Golaha Xildhibaanada Maraykanka

Addisababa (estvlive) 13/10/2017

Mas’uuliyiinta ugu saraysa JDFI oo uu ugu horeeyo Raisal wasaare Hailemariam Desalegn, RW-kuxigeenka mudane Demeqe Mokenin, wasiirka wasaarada arrimaha dibada Dr. Worqineh Gebayahu, madaxa xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF mudane Shiferaw Shigute,  safiirka dalkeena ufadhiya washington DC mudane Kassa Tekleberhan oo ay weheliyaan  madaxwayneyaasha 9ka dawlad deegaan ee dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xafiiskiisa kuqaabilay wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska Golaha sanetka(xildhibaanada) ee wadanka maraykanka oo uu hogaaminayay Senator James Inhofe.

Hadaba waftigan Golaha xildhibaanada maraykanka oo marar badan itoobiya yimid islamarkaana kataageeray dhinacyada horumarka kaladuwan ayaa maanta kulankan booqashada ah xafiiskiisa kulaqaatay raisal wasaare Hailemariam Desalegn, mas’uuliyiinta sare ee heer federaal iyo madaxwayneyaasha dawlad deegaanada uu wadanku kakooban yahay.

Soo dhawayntii diiranayd ee raisal wasaare Hailemariam iyo wada hadalada labada dhinac kadib,Senator James Inhofe oo hogaaminayay waftiga ayaa sheegay inay kudayasho mudan yihiin isbadalada horumarineed ee guud ahaanba kahanaqaaday dalka itoobiya marka loo eego wadamada kale ee afrika. Wuxuuna hadalkiisii udhigay sidan, “Arimaha horumarka ee guud ahaanba kajira dalkani itoobiya iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada dal waa kuwo runtii lagu diirsado islamarkaana nafarxad galiyay, raisal wasaare Hailemariam iyo madaxwayneyaasha dawlad deegaanadana waxaan kawada hadalay kor uqaadida xidhiidhka arrimaha dhaqaalaha, nabadgalyada iyo qaybaha kale ee horumarka waana isku afgaranay waxaana ku aragnay itoobiya isbadalo horumarineed oo lataaban karo marka lagarab dhigo wadamada kale ee qaarada afrika, waxaadna iskaashi caalami ah layeelateen wadamada afrika iyo kuwa barwaaqo sooranka ah waana wax lagu farxo horumarka aad kutaaabsateen ee aad hormuudka ugu tihiin wadamada qaarada afrika”.

Dhanka kale, Waxaa isaguna warbaahinta dalka lahadlay wasiirka wasaarada arrimaha dibada ee dalka itoobiya Dr. warqineh gebayahu oo sheegay inay labada dhinac kawada xaajoodeen sii adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee labada wadan gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, midka dhaqan dhaqaale iyo kan arimaha dibada iyo sii xoojinta xidhiidhadii dhanka maamulka iyo hogaaminta ee soo jireenka ahaa. wuxuuna intaa raaciyay inay congresska iyo aqalka senateka ee maraykankuba ay xidhiidh wanaagsan laleeyihiin dalkani itoobiya isagoo dhanka kalena cadeeyay inay waftigani bogaadiyeen horumarka baaxada leh ee guud ahaanba kahanaqaaday dalka itoobiya iyo nabadgelyo kuwada noolaanshaha dhaqamada kaladuwan ee qawmiyadaha iyo shucuubaha dalka itoobiya. Dr. warqine gebeyahu ayaana hadalkiisii kusoo afmeeray inay Golayaasha sharci-dajinta maraykanku faa’iido balaadhan uleeyihiin sii adkaynta dadaalada xoogan ee uu wadankeenu kagaystay nabadgalyada wadamada qaarada afrika gaar ahaan wadamada geeska afrika.

Comments are closed