DAAWO Warbixintii Ugu Dambeysay Qaraxii Maanta Ka dhacay Muqdisho

Muqdish (estvlive) 14/10/2017 

 

Iyadoo wali ay adag tahay in dhab ahaan la ogaado tirada ramiga ah dadka ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay hadda kor u sii dhaafeyso 30 ruux

Qaraxa oo ahaa mid lagu fuliyay gaari TM ah oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa lagu bartilmaameedsaday waddada ugu mashquulka badan caasimada Muqdisho ee Isgoyska Zoobe oo ay xiligaa ku sugnaayeen kumannaan dadweyne ah.

Shakiga ugu weyn oo ay dadku qabaan ayaa ah in tiro ka sii badan inta hadda laga ogyahay dhimashada wali ku hoos jiraan dhimayaasha bur buray ee ku teedsanaa waddada laamiga halkaasoo uu ka socday dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u ballaaran.

Dab xoogan ayaa sidoo kale ka kacay agagaarka Isgooska Zope gaar ahaan goobo shidaalka lagu iibiyo, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada amaanka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadka ugu baaqay in ay sameeyaan gurmad deg deg ah loo fidinayo dadka dhaawaca ah ee la dhigay isbitaallada.

Dadka reer Muqdisho ayaa caawa u muuqda kuwo aad ula anfariirsan wixii maanta ka dhacay Caasimada, qaarkoodna waxaa ay mashquul ku yihiin wali sidii ay u heli lahaayeen nolal iyo gaari dad ay ehel yihiin oo wali ka maqan.

Comments are closed