DAAWO Xafiiska Waxbarashada DDSI Diyaargarow Xuska Maalinta Calanka Itoobiya

Jigjiga (estvlive) 14/10/2017

 

 

Waxaa hoolka shirarka ee Xafiiska waxbarashada DDSI kaqabsoomay shir balaadhan oo kusaabsan udiyaargarawga munaasaada xuska maalinka caalanka heer qaran kaasoo  ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, Agaasimayaasha xafiiska iyo waliba shaqaalaha xafiiska waxbarashada heerarkooda kaladuwan.

Hadaba, munaasabadan soo dhawaynta xuska calanka ayaa waxaa ugu horayn lagu bilaabay heesta calanka qaranka, waxaana ugu horayn kahadlay munaasabadan Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo ugu horayn umahadceliyay dhamaan shaqaalaha xafiiska Heerarkooda kaladuwan sida wanaagsan ay ugu diyaargaroobeen xuska calanka qaranka. Wuxuuna wasiirku sheegay in kualankani uu yahay kulan ay ugu diyaar garoobayaan xuska 10aad, ee maalinka calanka heerqaran oo ku beegan 6da Bishan Tiqimti 2010 T.I  islamarkaana ay xafiis ahaan gaar ahaantooda u xusayaan. Wuxuuna si kooban uga warbixiyay astaanta calanka dalka. Wuxuuna xusay wasiirku in ay muhiimtahay in la wayneeyo calankeena qaranka.

Dhankakale, munaasabadan ayaa intay socotay lagu soobandhigay warbixin kusaabsan taariikhdii iyo marxaladihii kaladuwaan ee uu soomaray calankeenu iyo waliba guulaha uu dalku kakeenay 26kii sano ee u danbaysay dhinaca horumarka iyo maamulka suuban.

 

Ugudanbayna, munaasabadan oo halkudhag looga dhigay ‘’Halagankii Shucuubta Dalkeenu waa Gundhiga Dib-U Curashadeena’’. Ayaa waxaa dhankooda dareenkooda kahadlay qaarkamid ah shaqaalaha oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in kaxafiis ahaan iyagoo iskuduubaan ay xusaan maalinka calanka dalkeena islamarkaana ay sameeyaan aqoon iswaydaarsi kusaabsan marxaldihii uu soomaray calanka JDFI iyo Guulaha laga keenay Horumarka.

Comments are closed