RW ku-xigeenka Itoobiya & Madaxweynaha DDSI Ayaa Booqday Dadkii lasoo Barakiciyay Tuulada Qolaji Degan

Qolaji (estvlive) 15/10/2017

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen iyo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi maxamuud Cumar Wafdi ay hogaaminayaan ayaa maanta si wada jir ah u booqdeen Shacabkii dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromada.

Xukuumada Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Ayaa waxey u sameysay dib u-dajin Wafdiga ayaa ku booqday Tuulada Qolaji oo Xukuumadda Dawlad deegaanka somalida Itoobiya ayadoo at kaashaneyso Ganacsatada deegaanka at gaarsiyeen deeq kala duwan.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa uga mahad ceiyay ganacsatada deegaanka iyo xukuumadda Degaanka sida ay u garab istaageen shacabkooda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa balan qaaday in kooxdii ka dambeysay in sharciga la horgeyn doono islamarkaana lala xisaabtami doono wuxuuna balan qaaday xukuumada federaalka iyo masuuliyiinta deegaanka ayagoo kaashan in dib u dajin loo sameyn doono islamarkaana mak-dhow lasiin doono shacabkii dhibaatooyinka soo gaaray.

Ugu dambeyn madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa sheegay in ay masuuliyad ka saran tahay dhanaam shacabka dawlad deegaanka somalida itoobiya melkasta ay kunool yihiin uuna la xisabtami doono shaqsi kasta oo dhib u geysta.

Comments are closed