Munaasabada 10aad Ee Xuska Maalinta Calanka Dalka Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Xusay Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 16/10/2017

waxaa maanta si meeqaam sare ah  looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya  khaasatan  caasimada  deegaanka  jigjiga munaasabada  10,aad ee  xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga faderaalka itoobiya.

Haddaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee caasimada deegaanka ee jigjiga ,

Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha ,kaabineega DDSI, golaha wasiirada, shaqaalaha heer deegaan, ciidamada qaranka, ciidamada kala duwan ee amniga DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada DDSI  iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI

Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka dalkeena itoobiya Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar   oo  ugu horayntii ugu hambalyeeyay guud ahaanba shacab waynaha reer  itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan  munaasabadan qaaliga ah ee  xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku  wayn tahay  quluubta iyo qalbiyada  dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI islamarkaana loo soo maray halgan adag helitaanka calankan qaranka.

Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in  calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madax-banaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka qoomiyadaha iyo shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Madaxwaynaha DDSI ayaa si qoto waribiyay ahmiyada ay leedahay nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya wuxuuna sheegay in ay  ka go’antahay xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI hirgalinta nabadgalayda xalwaara loogu helayo  xalinta khilaafaadka  xuduuda deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromada.

Dhinaca kale madaxwaynaha DDSI ayaa tacsi diiraanyo u diray   dawlada soomaliya iyo shacabkeeda isaga oo uga tacsiyadeedyay dadkii soomalida ahaa ee sida arxan-tarada ah loogu xasuuqay caasimada soomaliya ee muqdisho.  Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI ayaa  ku booriyay qay-baha kala duwan ee shacabka DDSI in ay sii adkeeyaan  ilaalinta nabadgalyada deegaanka si aan carqalad loo galinin geedi socodka xawaaraha horumarka deegaanka iyo guud ahaanba dalkeena itoobiya islamarkaana la sii xoojiya la  tadagaalanka aragtida xagjir-nimada iyo falalka xun ee argagixisanimada ah ee ay wadaan kooxaha nafla caariga ah  gabaadka ka dhiganaya kana ganacsanaya diinta islaamka

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxay   Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigeen  heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranka dalkeena itoobiya.

Comments are closed