Fanaanka Caanka Ah Ee Axmed Cali Cigaal Oo Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga.

jigjiga (estvlive) 17/10/2017

Waxaa garoonka caalamiga ah ee magaalada jigjiga lagu soo dhaweeyay fanaanka soomaaliyeed ee caanka ah ee mudane Axmed Cali Cigaal iyadoo garoonkana ay kusoodhaweeyeen Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu horkacayo wasiirka xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil iyo qaarkamid ah abaawanada iyo fanaaniinta deegaanka.

Hadaba, fanaankan caanka ah ee mudane Axmed Cali Cigaal oo soo dhawayn kadib dareenkiisa kahadlay aya sheegay in dareenkiisa fraxadeed ee maanta uusan marnama qiyaasi karin islamarkaana uu aad u faraxsan yahay, una mahadcelinayo dhamaan bulshada deegaanka iyo xukuumada DDSI ee uu hogaanka uhayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidookale, wasiirka xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil iyo abwaan axmed budul oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin soodhawaynta ay soo dhaweeyeen fanaanka caanka ah ee axmed cali cigaal islamarkaana ah fanaan soomaaliyeed oo kasoojeeda deegaanka soomaalida itoobiya.

Iskusoowada duuboo,  waxaa xusid mudan in xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga  ay noqotay  caasimad ay si isdabajoog ah u imanayaan dadka caanka ah iyo waliba xubnaha sarsare ee kasocda dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah

Comments are closed