Dib u dhis lagu bilbaabay Laamigii Isgoyska Zoobe ee qaraxa ku bur buray

Muqdisho (estvlive) 19/10/2017

Waxaa maanta dib u dhis lagu bilaabay Laamigii Isgoyska Zoobe ee ku bur buray qaraxii cuslaa 14kii bishan halkaa ka dhacay.
Laamigii saarnaa bartamaha Isgoyska Zoobe ayaa ku baaba’ay qaraxii weynaa ee halkaas ka dhacay, waxaana goobta uu gaariga ku qarxay ka sameysmay God weyn.

Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya ayaan loo ogoleyn wali in ay isticmaalaan waddada, iyadoo howlihii gurmadka ee meydadka looga baarayey dhismayaasha halkaas ku yaalla la soo gebagebeeyey habeen hore.
Sida sheegeen saraakiisha dowladda qaarkood waddada ayaa la filayaa in dib loo furo kaddib marka la soo afjaro dib u dhiska iyo howlaha nadiifinta ah ee ka socda.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhismeyaashii halkaas ku yiilay ee ku  dumay qaraxa ayaa waxaa laga bilaabay dib u dhis.
Qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 300 oo qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ku badan, waxaa jira dad badan oo weli la la’yahay, iyadoo hanti fara badan iyo dhismeyaal waaweyna ay ku burbureen.

Comments are closed