Saacadaha soo socda oo la filayo natiijada baaritaanka Qaraxii Zoobe

Muqdisho (estvlive) 19/10/2017

Hay’addaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay soo bandhigaan baaritaanka socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaanka qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa la sheegay in ay soo gabagabeeyeen xog uruurinta Qaraxii Zoobe, saacadaha soo socdana la wadaagi doonaan warbaahinta.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana dadkaas ka mid ah rag la sheegay inay damiinteen gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxa fuliyay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay mas’uuliyada Qaraxa Al-shabaab, laakiin Al-shabaab waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan Qaraxaas.

Comments are closed