Tillerson: Waan La Xisaabtami doonnaa Millatariga Myanmar

Mareykanka (estvlive) 19/10/2017

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacadii sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hogaanka millatari ee dalkaasi.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine.
In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay.
Dadkan ayaa lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Rohingya,

Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Warbixinta oo lagu saleeyay wareyso lala yeeshay in ka badan 100 ruux oo kasoo carartay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Rakhine, ayaa sheegeysa in ciidamada amaanka ay si ula kac ah u toogteen boqolaal ruux oo ka mid ah dadka Rohingya, halka nolosha lagu gubay waayeelada iyo dadka xanuunsan ee aanan ordi karin ee looga tagay guryaha laga qaxay.
VOA

Comments are closed