Dood loo qabtay saddexda musharax madaxweyne ee Xisbiyada Somaliland

Hargeysa (estvlive) 20/10/2017

Dooddii ugu horeysay Taariikhda ee musharaxiinta saddexda xisbi ee Somaliland loo qabto ayaa xalay ka dhacday magaaladda Hargeysa, taas oo la iskugu keenay saddexda musharax ee kala ah Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ka socday xisbiga KULMIYE, Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi Cirro oo ka socday xisbiga WADDANI iyo musharax Eng;Faysal Cali Waraabe oo ka socday xisbiga UCID.

Dooddan xalay dhexmartay saddexda musharax ee bisha November 13-keedda ka dhici doonta Somaliland ku tartami doonna ayaa dadweynuhu si weyn u sugayeen,isla markaana la qiimaynayey qaabka uga jawaabeen su’aalaha iyo siday ugu kala duwan yihiin barnaamij siyaasadeedkoodda.

Xalay fiidkiiba dadweynaha reer Somaliland ee xiisaynayey doodda ayaa fiidkiiba kala xarooday si ay telefishanada iyo baraha bulshada uga daawadaan doodda, waxaanay xalay magaaladda Hargeysa u muuqatay mid fiidkiiba laga rawaxay.

Dooddan ayaa laba wariye loo soo xulay taas oo loo dhaariyey inay si daacad ah u daadihinayaan doodda,isla markaana aanay qof jeclaysi iyo si kala eexasho ah u waddin doodda mudadda ay dooddo socoto.

Doodan ayaa soo gabogabowday abaaro kowdii habeenimo, taas oo su’aallo badan oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda arrimahada dibadda iyo amniga qaranka wax laga waydiiyey siday wax uga qabanayaan.

Su’aalaha ugu adkaa ee la waydiiyey musharaxiinta waxa ka mid ahaa sida loo kala saarayo dimuqraadiyada iyo qabyaaladda, wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, maamulka hawadda sare ee Somaliland iyo SOomaaliya, muddo kordhinta doorashooyinka loo sameeyo oo mudaddii u dambaysay ku dhaqmayeen xukumadihii kala dambeeyey ee Somaliland iyo musharax walba wuxuu kaga duwan yahay musharaxa kale.

Musharaxiinta ayaa dhamaantood su’aalaha mid walba siday la tahay uga jawaabay, waxaanay taageerayaashii awalba kala taageersanaa musharaxiinta ka dhex dhalisay dood hebel baa doodda ku badiyey iyo hebel baa laga badiyey, taas oo ilaa xalay iyo saakaba haysatay baraha bulshadda.

Si kastaba ha haaatee, dooddan ayaa noqonaysa mid ka turjumaysa bisayl siyaasadeed,isla markaana hore u qaaday horumarkii ay Somaliland ku talaabsatay ee xaga dimuqraadiyadda oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey ku dhaqmaysay.

Comments are closed