Dowladda Soomaailya oo ku dhawaaqday in Qaraxii Zoobe ay ku dhinteen 358 ruux

Muqdisho (estvlive) 20/10/2017

Shir jaraa’id oo goor dhaw Isgoyska Zoobe ay ku qabteen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay tira koobka rasmiga ah khasaarihii ka dhashay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga iyo warfaafinta ayaa kula hadlay warbaahinta goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sheegay in tirakoob la sameeyay lagu ogaaday in tirada dhimashada uu sababay qaraxa ay gaarayaan 358 ruux, halka dhimashada iyo dhaawac marka leysku daro dadka halkaa wax yeeladu ka soo gaartay ka badan yihiin 600 oo ruux.

Tirada dhismashada ay caawa ku dhawaaqday dowladda ayaa aad uga badan inta markii hore la hadal hayay, halka wali ay jiraan dad kale oo nolal iyo gaari lagu la’yahay.

Wixii ka soo kordha warbixinta dowladda ee la xiriirta qaraxii Zoobe waan idin soo gudbin doonnaa.

Comments are closed