Dowladda oo sheegtay in dad loo soo qabtay Qaraxii Zoobe

Muqdisho (estvlive) 21/10/2017

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho  Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hay’addaha Amniga ay hayaan xog ku saabsan Qaraxii Zoobe, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in xubno lagu tuhmaayo Qaraxaasi ay ku jiraan gacanta hay’addaha Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaanada Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.

Dowladda Soomaaliya oo xalay soo bandhigtay xogta Qaraxa ayaa sheegtay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

Comments are closed