Kulankii labada Aqal ee madaxweyne Farmaajo uu ka qeybgali lahaa oo dib u dhacay

Muqdisho (estvlive) 21/10/2017

Waxaa dib u dhacay maanta oo Sabti ah kulan wada jir ah oo ay isugu iman lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka labada Aqal islamarkaana uu ka qeybgali lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka oo noqon lahaa mid aan caadi aheyn oo madaxweynuhu isugu yeeray labada Aqal ayaa looga hadli lahaa xaalada amniga dalka, Qaraxii Zoobe iyo in dalka ku uu galay xaalad dagaal.

Lama shaacin sababta dib u dhigtay kulanka madaxweyne Farmaajo iyo labada Aqal ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa warbaahinta u sheegay Khamiistii la soo dhaafay in dalka uu galay xaalada dagaal oo madaxda dowladdana ay horkacayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Comments are closed