Lixdan Ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay dalka Afghanistan

Afghanistan (estvlive) 21/10/2017

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ku dhawaad lixdan qof ay dhinteen kaddib markii weeraro lagu qaaday labo masjid oo ku yaalo dalka Afghanistan salaadii Jimcaha.

Kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtaya mas’uuliyada weerardani lagu qaaday goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Afghanistan.

Weerarka hore ayaa qof isa soo midaamiyay waxaa uu isku dhex qarxiyay masjid ay leeyihiin shiicada oo ku yaalao magaalada kabul, halka weerarka kalena uu ka dhacay masjid kale oo ku yaala gobolka Ghor.

Dadka ay waxyeelada kasoo gaartay weeraraka lagu qaaday masjidka Imam Zaman ee Kabul ayaa la sheegay inay tukanayeen salaada jimcaha, waxaana qofka weeraraka geystay sidoo kale la sheegay in uu rasaas ku furay dadkii cibaadeesanayay kahor intaanu is qarxinin.

Kooxdani ayaa horay u bartilmaameedsan jirtay masaajidada shiicada guud ahaan dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay boolsika Afghanistaan oo lagu magacaabo Basir Mojahid ayaa xaqiijiyay in weeraradani, inkastoo aanu fahfaahinin qaabka ay wax u dhaceen.

Qof goob-jooge ahaa marka uu dhacayay weeraraka Kabul ayaa BBC-da u sheegay in goobta uu weeraraka ka dhacay ay noqotay furun dagaal.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay inay wado baaritaan lagu ogaanayo kuwii ka dambeyay weerarada.

Sarkaal sare oo katirsan koox taabacsan dowladda Afghanistan ayay sidoo kale wararku sheegayaan in uu ku dhintay weerarka ka dhacay goobolka Ghor.

Comments are closed