Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira

Muqdisho (estvlive) 21/10/2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada  xoogga dalka ay ka wadaan diyaar garoow ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay abaabulka ay ciidamada ku jiraan isaga oo kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan looga adkaado wax uu ugu yeeray cadawgga umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa ay ogaan doonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”

Saraakiisha iyo ciidamada ayaa madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.

“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, ciidamada Xoogga Dalku waxaa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidamada Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Comments are closed