Ololihii Xisbiyadda Somaliland oo si rasmiya u bilaabmay iyo xisbiga UCID oo taageerayaashiisa isku soo baxeen Share Tweet

Hargeysa (estvlive) 21/10/2017

waxa maanta si rasmiya u bilaabmay ololihii doorashoyinka Somaliland, waxaana maanta ololihiisa bilaabay oo kalkiisa noqotay xisbiga UCID oo bakhtiyaa nasiib u helay inuu maalinta koowaad uu noqdo, halka maalinta labaad uu noqday xisbiga KULMIYE, maalinta sadexaad uu noqday xisbiga WADANI.

Goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa isku soo baxyo waaweyn ka sameeyey xisbiga UCID, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe kala qaybgallay taageerayaashiisa gobolka Togdheer ee xarunta gobolka Togdheer.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in doorkan doorashadda uu isagu ku guulaysan doonno, waxaanu sheegay in doodii uu habeenkii dhowaa ka qaybgalay ay dadweynuhu intoodda badan ku hambalyeeyeen oo uu isagu noqday ninkii ku horeeyey doodda, sidaas darteed waxa uu codsaday in tageeradda loo muujiyey codkana loogu daro.

“Labada Murashax Ee Kale Taladoodi Waxay Saarteen Salaadiintoodii, Anna Waxaan Taladayda Saartay Ilaahay, Waxaa Ii Soo hambalyeeyay Dad Ku Dhaw 200,000,(Laba-Boqol Oo Kun Oo Qof ,) Hambalyana Waxaan Uga Baahi-badanahay Cod-ka oo aad I Siisaan,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ololaha xisbiyadda ayaa socon doono muddo saddex toddobaad ah, waxana ka dib loo dareeri doona doorashadda oo ku beegan 13-ka November,2017-ka taas oo la soo dooran doonno madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedeli doona madaxweyne Siilaanyo.

Xisbiyadda ayaa maalmihii u dambeeyey xafiiso ka furanayey dhamaan magaalooyinka waaweyn waxaana maalin walba xisbiga isku soo baxa u leh iskugu imanaya taageerayaashiisa fagaarayaasha dawladda.

Comments are closed