Waddada Zoobe oo dib loo furay iyo gadiidka dadweynaha oo maanta isticmaalaya

Muqdisho (estvlive) 21/10/2017

Waxaa dib loo furay loona fasaxay in ay isticmalaan dadka iyo gadiidka waddada Zoobe oo 14kii bishan uu ka dhacay qarax galaaftay nolasha dad ku dhaw 400 oo ruux oo Soomaali ah.

Gadiidka dadweynaha ee BL -ka  ayaa saakay halkaa maraya waxaana sidoo kale lagu arkayaan dad weyne dib u dhis iyo nadiifin ku wada goobahoodii ganacsiga ku bur buray qaraxa islamarkaana ay ku waayeen dad Ehaladooda ah.

Burbur xoog leh wali ka muuqda dhulka laakiin waxaa socda dib u dhis ballaaran dadku ku doonayaan in mar kale ay dib ugu soo celiyaan bilicdii iyo ganacsigii balaarnaa ee ka socda Isgoyska ka hor qaraxii Sabtidii todobaadkii hore halkaa ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marka leysku geeyo tirada dadka ay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii Zoobe ay gaarayaan 642 oo 358 ka mid ah dhinteen

Comments are closed