Lacago si Aan-Sharci ahayn Kaga Baxayay Dalka Oo La Qabtay.

Jigjiga (estvlive) 22/10/2017

Wakaalada jibriga dalka  laanteeda DDSI ee xarun-teedu tahay magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  oo kaashanaysa hay’yadaha amniga   ayaa gacanta ku soo dhigtay  lacago qalaad oo u badan doolar oo laga soo qaatay caasimada dalka ee addis-ababa taasi oo la rabay in si sharcidaro ah looga saaro dalka iyada oo la sii dhexmarinayo deegaanka soomalida itoobiya si looga bixiyo magaalada tog-wajaale ka dibna marka la  soo sarifo  si sharcidaro ah loogu soo celiyo dalka.

 

Lacagtan bilaa sharciga ah  ee sida sharcidarnada ah lagaga saarayay  dalka  ayaa waxaa waday oo lagu qab-tay gaadhi laga leeyay magaalada Addiis-ababa noociisuna yahay baska loo yaqaano kastarka taari-kadiisuna tahay koodh 3aad AA 29,482. gaadhigan ayaa  waxa waday wadaha magaciisa la yidhaahdo Tadhiyas Wandhe iyada oo  lagu kala  qabtay lacagahana magaalada baabili iyo tog wajaale.

Haddaba, waxaa ka  warbixiyay noocyada lacagta iyo qiimaha ay dhantahay lacagtu  maareeye ku xigeenka laanta jibriga DDSI mudane Axmed Ugaas oo sheegay  in wakaalada jibriga  oo kaashanaysa hay’adaha amniga ay soo qabatay lacago sharci-darno ah islamarkaana si sharcidarna ah kaga baxayay dalka  wuxuuna sheegay in magaalada tog-wajaale lagu qabtay lacag dhan $31,664 doolar, halka magaalada baabili lagu qabtay lacag dhan $1,722,652.doolar. sidookalana 580,509 Riyaal oo ah lacagta dalka sucuudi carabiya iyo 32,750 oo ah lacagta iimaraadka carabta iyo waliba 1851 oo ah lacagta wadanka qadar. Maareeya ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in lacagtaasi lagu xereeyay bangiga  ganacsiga dalka itoobiya laantiisa jigjiga  halka gaadhigii, shaqsigii watay lacagta iyo wadihii gaadhiga ay kusoocto baadhistaankii gacantana lagu hayo.

Comments are closed