Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkan waxaa ka mid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.
Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah.
Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintooda ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.
Waxaa jira khilaaf muuqda oo waqtigan ku dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo dhawaan shir ku yeeshay magaaalada Kismaayo.
Comments are closed