Goobjooge ayaa u sheegay VOA in shaqaaqadan ay ka dhacday shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Garowwe.
Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Gobalka gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland.
Labadan mas’uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.
Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Cameey.
Sanadkii 2016-kii ayeey ahayd markii sidan oo kale gacan ka hadal dhexmaray saraakiil booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
Comments are closed