Dalalka Britain iyo Mareykanka ayaa si cad u sheegay in ay ka niyad jabeen magacaabista Mugabe.
Halka mucaaradka dala Zimbabwe-na ay arrintaasi ku tilmaameen mid kaftan ah.
Balse taageerayaasha Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inay taasi tahay qadarin ku haboon hogaamiyahan ugu da’da weyn qaaradda Afrika, kaasi oo ay sheegeen inuu si weyn u taageero daryeelka caafimaadka ee caalamka.
Hasse ahaatee dadka naqdiya Mugabe ayaa waxa ay ugu yeeraan kaligii taliye kor ka eeganayay burburka hannaanka caafimaadka ee Zimbabwe, xilligii uu dhaqaalaha dalkaasi sii liicayay.
bbc
Comments are closed