Italy: Gobalada Waqooyi oo Afti u qaaday awood dheeraad ah Ismaamulkooda

Italy (estvlive) 23/10/2017

Gobalada Lombardy iyo Veneto ee waqooyiga dalka Talyaaniga ayaa Axadii shalay afti u qaaday in ay awooda kala soo wareegaan maamulka dhex ee caasimada Rome.

Maamulada gobalada Lombardy iyo Veneto oo ah kuwo dhaqaale badan kasoo xaroodo ayaa ka gadoodsan maamulka dhexe ee Roma, iyagoo doonaya inay gebi ahaan sameystaan nidaam u gaar ah ee dhinaca Canshuurada, Waxbarashada iyo waliba nidaamka Socdaalka iyo jinsiyadaha.

Labadan gobal ayaa aftidooda ka ansixiyey Maxkamada Dastuurka ee dalkaasi Talyaaniga, balse aftidan maaha mid irida u fureysa inay maamuladaasi ka goostaan dalka Talyaaniga, hase yeeshee waxay awood dheeraad ah aftidan siineysaa in ismaamuladaasi ay gorgortan adag la galaan dowlada dhexe ee fadhida Roma.

Gobalka Lombardy ayaa waxaa xarun u ah magaalada Milan, halka gobalka Veneto ay xarun u tahay magaalada caanka ah ee loo dalxiis tago Venice.

Natiijada horudhaca ah ee aftidii shalay ayaa muujineysa in dadka gobaladaasi si weyn u taageereen in ay xoojistaan ismaamulkooda u gaarka ah oo u madax banaanadaan sharcuuda dalka qaarkood.

Gobaladan ayaa dhaqaalaha canshuuraha kasoo xarooda lagu qiyaasaa in ka badan 30% dakhliga dowlada Italy, waxayna diidan yihiin in canshuur badan oo laga qaado la geliyo gobalada saboolka ah ee koonfurta Talyaaniga.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa todobaadyo kadib markii gobalka Catalonia ee waqooyiga Spain ay qabteen afti ay gooni u goosad ku taageereen, walow aftidaasi ay diiday xukuumada Spain oo ku tilmaamtay sharci daro.

Comments are closed