Madaxweyne Gaas oo shaqo Joojin Ku Sameeyay Taliyaha Booliiska Puntland

Garoowe (estvlive) 23/10/2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka hor intii uusan uu duulin magaaladda Jowhar waxaa uu shaqo joojin ku sameeyay taliyaha booliiska Puntland C/qaadir Faarax Shire “Ereg” . Taliyaha ayaa sidoo kale lagu amray inuusan ka bixi karin gurigiisa ilaa amar dambe.

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Lr. 126 , soona baxday shalay oo  taariikhdu ahayd 22 October  2017 , ayaa lagu sheegay  in shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa e  G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Shaqo-joojinta taliyaha ayaa la xiriirta ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal labo habeen ka hor ku dhexmaray Hotelka Jubba ee Garoowe taliyaha booliiska Gen Ereg iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farweyne. Ismadhaafkan ayaa sababay in  rasaas uu riday taliyaha booliisku ay ku dhacdo, dhaawacna  uu ka soo gaaro  taliye K/xigeenka booliiska Puntland  Bile Faarax Cali.

Warar kale ayaa sheegaya in la magacaabayo  guddi baaritaan rasmi kusoo sameeyay  sidii ay u wax u dhaceen xiligii u socday shirkii looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe, kaasi oo isugu yimaadeen guddiga nabadgelyadda gobolka, Taliyaha booliiska Puntland iyo wasiirka amniga.

Taliyaha uu madaxweynuhu shaqada uu maanta ka joojiyay ayaa bishii hore loo ogolaaday inuu dib shaqadiisa uu u bilaabo k adib markii madaxweyne K/xigeenka Puntland  uu shaqada ka fariisiyay.

Comments are closed