Sacuudiga oo bahdilay Wasiirka Arrimaha Dibada Maraykanka Rex Tillerson

Mareykanka (estvlive) 23/10/2017

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku maraya dalalka Khaliijka isagoo sheegay in socdaalkiisan uu doonayo inuu xal ugu helo xiisada ka dhex aloosan wadamada Carabta Khaliijka.

Rex Tillerson ayaa horey hadalo kulul ulla beegsaday Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in loo baahan yahay xulafada Sacuudiga inay yimaadaan miiska wadahadalka, isagoo dhinaca kale amaan u jeediyey dowlada Qatar oo uu sheegay inay xiligan kala shaqeyso arrimaha la dagaalanka argagaxisada.

Boqortooyada Sacuudiga oo horey uga carootay hadalada kasoo yeerayey Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa uga aargutay wasiirka markii uu dalkooda yimid, iyagoo u sameeyey soo dhaweyn midii ugu hooseysay ee ebid loo fidiyo Wasiir ka socda Maraykanka.

Sacuudiga ayaa Sabtidii u diray Wasiir kuxigeenka Baratakoolka inuu hogaamiyo soo dhaweynta Wafdiga Maraykanka ee uu horkacayey Rex Tillerson.

Kadib waji gabaxaasi ayuu Mr.Tillerson kulan la yeeshay Dhaxal Sugaha Sacuudiga oo ah ninka ugu awooda badan xiligan Maxamed Bin Salmaan, Rex ayaa ugu baaqay Maxamed Bin Salman inuu taageero waan waanta iyo wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Maraykanka.

Maxamed Bin Salman ayaa la sheegay inuu si cad ugu sheegay Wasiirka in dhinacooda aysan wax wadahadal diyaar ah u ahayn, waa diidmadii qayaxneyd ee ugu horeysay oo ay Sacuudiga siiyaan Maraykanka oo uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo. Balse diidmadan ayaa u muuqatay mid Maxamed Bin salman uu doonayey inuu ku wiiqo dadaalkan u bilaabay Rex Tillerson.

Tillerson oo Axadii shalay gaaray Dalka Qatar ayaa shir jaraa’iid uu si wadajir ah ulla qabtay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Maxamed Bin Cabdulraxman ku sheegay in Sacuudiga uusan hada dooneyn wax wadahadal ah, isagoo ka gaabsaday inuu faah faahin kasii bixiyo.

Rex Tillerson ayaan sidoo kale soo hadal qaadin cambareyntii uu hada iyo goor u jeedin jiray Sacuudiga, wuxuuna yiiri “…Cidna kuma khasbi karno inay yimaadaan miiska wadahadalka…”

Dhinaca kale Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanka uu weli si buuxda u taageerayo dadaalka uu wado Amiirka dalka Kuwait.

Comments are closed