DAAWO Göteborg: Qurbajoogta DDSI oo Ugu Yaboohay Lacag 16,200 Shacabkii DDSI Oromada Soo Barakicisay

Göteborg: (estvlive) 24/10/2017

                    DAAWO Muqaalka Xaflada

 

Jaaliyadda DDSi dalka Sweden ayaa xaflad ku qabtay magaalada Göteborg waxaana loo qabtay xaflada in lagu taakuleeyo shacabkii dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya.

Waxaana kasoo qeybgalay qurbajoogta DDSI iyo masuulinyiin ka socda safaarada Itoobiya ee Sweden iyo marti sharaf kale jaaliyadda DDSi ee Sweden ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay shacabka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya in ay taakuleeyaan.

Qurbajoogta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee ku dhaqan Sweden ee xafladan ka soo qeybgalay ay ku yabooheen ku lacag dhan $16.200 doolar taasoo lagu taageerayo shacabkii dawlad deegaanka somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya.

Comments are closed