Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw gaaray dalka Jabuuti

Jabuuti (estvliv) 24/10/2017

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qeyb ka ah safarka uu ku marayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya goor dhaw ku tagay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu hor kacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Saacadaha soo socda  waxaa kulan gaar ah yeelan doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar qaatay muddo 4casho ah oo uu ku maraayey qaar ka mid ah wadamada gobolka waxaa uu ku soo gaba gabeeynayaa dalkaas Jabuuti.

Comments are closed