Waxa ay sheegtay in Midowga Afrika laga doonaayo in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya, islamarkaana la xoojinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna madaxa urur goboleed IGAD ayaa dhinaciisa sheegay in dowladaha gobolka ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jira Al-shabaab .
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha si weyn u taageera Soomaaliya, qeybtana ka ah howlgalada lagu beegsado Al-shabaab.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xili shalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray dalka Itoobiya, islamarkaana mas’uuliyiinta dalkaasi uu ka codsaday in laga taageero dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo jeediyay Soomaaliya Idhaha beesha caalamka oo siweyn uga gilgishay khasaaraha dhimasho ee Qaraxu sababay.
Comments are closed